(SAWIRO): Ciyaartoy hore oo Kenyan ah oo ka mid ahaa Dagaalyahanadda Alshabaab ee qaraxyadda la beegsaday Ciiddanka Kenya ee jooga Kul-biyow.

Wargeyska The Standard, cadadkiisa maanta ayaa  lagu soo daabacay in Nin Kenyan ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab uu  gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa  ku qarxiyey Xeradda ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose.

Wargeyska ayaa qoray in Baarayaal ka socday Ciiddanka Kenya  iyo Hay’addo kale muujiyeen in Weerarkii bishii January 27-dii lagu qaaday Xeraddaasi uu ku jiray Nin Kenyan oo lagu magacaabo Anwar Yogan Mawok, kaasi oo ka mid ahaa Weeraradii  Is-qarxinta ee lagu dilay tiro ka mid ah Ciiddankii Kenya ee joogay Xeradaasi.

Wargeyska waxa kale oo uu xusay inuu Anwar Yogan Mawok  ku dhashay Gobalka Siya sannadkii 1981-kii, waxa uu qaatay Diinta Islaamka, isagoo ka mid noqday Ciyaartoyda Naadiga K/Cagta ee Mathere United Club.

Anwar Yogan Mawok  waxa uu sannadkii 2013-kii ku soo biiray Guutadda Jaysh Ayman ee Xarakadda Alshabaab, isagoo ka qeyb galay Hawlgallo badan oo lagu weeraray Askarta Kenya ee joogta gudaha Somalia.

Duullaankii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii hore ee January 27-dii ku qaadeen Xeradda Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow waxaa lagu dilay in ka badan 68 Askari, waxaana lagu gubay gaadiid badan oo isugu jiray kuwa Raaxadda, Xamuulka iyo Gawaaridda Gaashaaman ee Ciiddamadda.

Dowladda Kenya ayaa qiratay inuu khasaaro ba’an ka soo gaaray Weerarkaasi, inkastoo ay tirada dhimashadda ku sheegeen 14 Askari oo keliya.

Image result for kulbiyow attack

Image result for kulbiyow attackImage result for kulbiyow attack

Related image

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media