Badmaaxiin u dhalatay Iiraan oo afduub loogu haystay Somalia oo la sii daayey.

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in la sii daayey 8 Iiraaniyiin ah, isla markaana ay socvdaal dadaalo kale oo lagu sii daynayo Badmaaxiin kale oo weli ay Burcad-baddeeda ku gorgortamayaan.

Xildhibaankaasi oo lagu magacaabo Cali Yar Maxamedi ayaa hadakaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Warbaahino xiriir la leh Telefishinka Dowladda Iiraan ee “The Iranian state TV”, wuxuuna tilmaamay in Madaxa Saraakiisha Qunsulliyadda Iiraan ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u xaqiijiyeen  in la sii daayey Badmaaxiintaasi.

Waxa uu tilmaamay inay Badmaaxiintaasi lagu sii daayey Wada-xaajood u dhexeeyey Safaaradda Senegal ku leedahay Somalia iyo Burcad-baddeeda, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Xarunta Safaaradaasi, waa sida uu hadalka u yiri, balse Radio Dalsan ma hayaan caddaymo muujinaya inay Dowladda Senegal safaarad ku leeyihiin magaalladda  Muqdisho.

Tallaabadda lagu sii daayey 8-da Badmaax  ayaa timid 6 bilood kadib, markii ay Badmaaxiin la socotay Dooni Kalluumeysi oo Iiraan laga leeyahay u suurto-gashay inay ka baxsadaan Burcad-baddeeda bishii May ee sannadkii hore.

Warar ayaa sheegayo in 12 Badmaaxiin kale weli ku jiraan gacanta Burcad-baddeeda oo codsatay in la siiyo lacag madax-furasho, si ay u sii daayaan La-haystayaashaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Iiraan wax xiriir Diplomaasiyadeed  lama laha Dowladda Somalia, inkastoo ay Warbaahinta dalkaasi sheegayaan inay Dowladda Cusub kala xaajoon doonaan sidii loo soo celin lahaa Cilaaqaadkaasi oo go’ay sannadkii hore.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media