Dhegeysiga Dacwad loo haysto rag lala xiriirinayo weerar ka dhacay Kenya oo dib loo dhigay

Maxkamad ku taalla Nairobi waxay dib u dhigtay dacwad loo haystay 5 nin oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya ku eedeynayaan inay  ka dambeeyeen qorshihii ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku weerareen Jamaacadda magaalladda Garissa muddo haatan laga joogo 4 sanno, isla markaana ay 148 qof ku geeriyootay.

Garsooraha  qaadayey Dacwadaasi oo lagu magacaabo FARANSIS ANDAYI ayaa maanta ku dhawaaqay in Dhegeysiga Dacwadaasi dib loo dhigay ilaa  bishan Janaayo 29-da.

Shanta Eedeysane waxay horey u beeniyeen inay ku lug lahaayeen Weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday bishii  April 2-dii ee sannadkii 2015-kii.

Eedeysanayaasha loo haysto Weerarkaasi waaxaa magacyadooda lagu kala sheegay: Maxamed Cali C/qaadir, Xasan Aadan Xasan, Sahal Diirite, Cusmaan Cabdi Dagane iyo Rashiid Jarales Maberesero.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor