Wasiirkii hore ee Isgaarsiinta ee dalka Ethiopia oo xabsiga la dhigay

Dowladda Ethiopia waxay sheegtay in Xabsiga la dhigay Wasiirkii  hore ee Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalkaasi, Bereket Semon.

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay inay Wasiirkaasi  Waaberigii hore ee saakayto ka soo qabteen gurigiisa oo ku yaalla  caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Bereket Semon  waxaa lala soo xiray Siyaasi kale oo lagu mgacaaabo TADESE KASSA oo xubin ka ah Xisbiga Isbahaysiga Amxaaradda ee Amhara National Democratic Party.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor