Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay Howlgalada Ciidamada Dowlada ugu xuraynayaan Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Korneyl Faarax Cali Waasuge waxaa uu sheegay in ay ka qabsadeen Deeegaanno badan Al-Shabaab oo hadana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada, islamarkaana uu sii socon doono Howlgalka lagu furayo wadooyinka.
“Howlaglka wali ma dhamaan wuu socdaa cadawgana meel walba waan ka saareynaa ilaa iyo inta lagu guuleysanyo cadawga Alshabaabâ€ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha Ciidamada Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada looga baahanyahay iney la shaqeeyaan ciidanka si looga guuleysto.
Hadalka Taliyaha Ciidamada Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa waxaa uu imaanayaa xili deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Shabeellooyinka iyo Gedo ay holwgallo ka socdaan.