Dhallinta Koonfurta Afrika oo loogu baaqay inay ku soo biiraan Sirdoonka, si looga hortago cabsida Alshabaab

Xoghayaha Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika, David Mahlobo ayaa jeediyey baaqaasi, isagoo ku booriyey dhallinyaradda inay galaan Akadeemiyadda Sirdoonka si loogu tababaro Basaasnimo.

Waxa uu tilmaamay inuu dalka Koonfurta Afrika yahay Waddan ka bad-qaba cabsi kasta oo uga timaada gudaha iyo dibedda. “Cabsida khatarta leh ee dhinaca ammaanka ayaa ah waxyaabihii aan dhowrkii sanno ee la soo dhaafay ku aragnay inta badan dalalka Bariga Afrika weeraradda Alshabaab” ayuu yiri David Mahlobo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha Sirdoonka ee dalkiisa la wadaagaan QM iyo dalalka deriska arrimaha la xiriira Shabakadaha Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo khataraha kale ee cabsida xambaarsan.

Wasiirka Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika, David Mohlobo waxa uu tilmaamay inay taxadar ka qabaan Kooxaha Islaamiyiinta ee Dhallinyarradda ku tashkiiliya Warbaahinta ay Bulshadda ku kulmaan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay si taxadar leh ula socdaan qorshaha ay Kooxahaasi maleegayaan, isagoo xusay inay si hdow ula socdaan Lacagaha la isku xawilayo.

“Marka Kooxahaasi laga xiro ilaha laga maalgeliyo, ma awoodi karaan inay dhaqdhaqaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka ee dalka Koonfurta Afrika. Xigasho:- Independent Online

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor