Dhakhtar dilay Dareewalkiisa, kadibna intuu jarjaray Aashito ku shubay

Dhakhtar 58 jir oo ka mid ah Dhakhaatiirta Dowladda Hindiya ayaa xabsiga la dhigay, kadib, markii lagu helay inuu dilay dareewalkiisa, kadibna intuu jarjaray hilibkiisa ku shubay Aashito, si aan loo aqoonsanin.

Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay Dhakhtaarkaasi qabteen Habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, markii ay dadka deriska arkeen isagoo dhiig ka tirtirayo dhismihii uu ka deganaa magaalladda Bohobaal oo caasimad u ah Gobalka Madhya Pradesh ee dalkaasi.

Magaca Dhakhtarka dilkaasi geystay waxay Boliska ku sheegeen Dr. Sunil Mantarri, iyadoo Marxuumka uu dilayna la oran jirey Veerendra Pachori.

Boliska waxay sheegeen in la tuhunsan yahay inuu Dhakhtarka falkaasi u geystay, kadib, markii uu Dareewalkiisa kaga shakiyey inuu xiriir hoose la lahaa Xaaskiisa.

Dhakhtarka waxaa la sheegay inuu Dareewalkiisa mindi kaga dhuftay dhuunta, wuxuuna markii uu geeriyooday bilaabay inuu jarjaro, kadibna uu hilibkiisa shiido, kuna baabi’iyey Aashito.

Muddo 3 saacadood ayaa la sheegay inay ku qaadatay inuu hilibka Dareewalkiisa ku jarjaro Suuliga dhexdiisa.

Ilaa 100 Litir oo Aashito ah ayuu u adeegsaday falkaasi, sida ay sheegeen Boliska oo iyaga baaritaan kadib soo helay haraagga qeybo ka mid ah  jirka Dareewalka la dilay, oo uu madaxiisa ka mid ahaa.

Dhacdada ugu yaabka badan ayaa la sheegay inay ahayd inuu Dhakhtarka cirbad ku dhuftay Dareewalka oo ka cabanayey Xanuun dhinaca Gooska, balse, daqiiqado kadib wuu miyir-beelay, taasi o osoo dedejisay inuu Dhakhtarka dilo, kadibna jarjaro hiilibka Dareewalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Dhakhtar Sunil Mantarri waxa uu u muuqday inuu qaabka dilkaasi ka tixraacay qaabkii ay kooxdii Sirdoonka Sacuudiga ay bishii October 2-dii ee sannadkii hore u dileen Saxafigii Jamaal Axmed Khashoggi, kaasi oo  aan ilaa iyo haatan la helin maydkiisa oo la sheegay inay Sirdoonka jarjareen, kadibna aashito ku baabi’iyey haraaggii maydkiisa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay daah-furka Shir sannadeedka garsoorka dalka oo markii ugu horreysay la qabtay burburkii kadib.a

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in loo baahanyahy in shirkaan labada maalin ee uu soo socdo ka qayb galayaashu ay ku dadaalaan in ay kasoo baxdo natiijo ka qayb qaadanaysa horumarka garsoorka iyo cadaaladda dalka.

Shir sannadeedka garsoorka dalka oo uu furay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha garsoorka heer Federaal iyo dhamaan hay’adaha garsoorka ee dawlad gobaleedyada.

Qabashada shirka garoorka dalka bilawga sand waliba oo ah mid qaanuuni ah ayaa maanta iyo berri looga hadlayaa waxqabadka garsoorka dalka ee sannadkii tegay, caqabadihii lala kulmay iyo sixitaankooda, qorshaha garsoor ee sannadka bilaawga ah iyo isku xirka qaybaha garsoorka ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor