Dhalinyaro Soomaali si qarsoodi ah qaad la qalajiyey ku gelinayay Hindiya oo la xiray

3 Dhallinyaro Soomaali oo qaxooti ahaan ugu noolaa dalka Hindiya ayaa la sheegay in lagu qabtay shixnad Qaad la shiiday oo ku bacaysnaa Bacaha Caleenta Shaaha.

Hadal ka soo baxay Waaxda Canshuuraha ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi ayaa lagu sheegay in Shixnadaasi laga keenay dalka Ethiopia, isla markaana la doonayey in lagu iibiyo gudaha dalkaasi oo mamnuuc ka ah Qaadka.

Sidoo kale, nin u dhashay oo shaqaale ka ah Qeybta Xamuulka ee Garoonka New Delhi ayaa isagana la xiray, isagoo lagu eedeeyey inuu dhallinyarada Soomaalida u fududeynayey Waraaqaha qeybta  Canshuuraha ee Garoonka.

Mid ka mid  Labada Dhallinyarada Soomaalida waxaa la sheegay inay Ciiddanka ka so oqabteen Koonfurat magaalladda New Delhi, halka mid kalena laga soo qabtay baar ku yaalla Deegaanka HAWS RAANI ee magaalladda New Delhi.

, Qaadka la sheegay in lagu qabtay 2 Dhallinyaro  oo Soomaali oo qaxooti ku ah dalka Hindiya waxaa uu culayskiisa dhamaa 600 oo Kiilogaram, wuxuuna qiimaha Suuqa Madow ee  dalkaasi ka jooga lacag u dhiganto labo million labo boqol iyo soddon iyo saddex kun iyo 680 Dollar.

Dhinaca kale, Maxkamadda New Delhi waxay amartay in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga muddo 14 maalmood, si ay Boliska u soo dhamaystiraan baaritaanka Kiiskaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor