Xeer ilalaiyaha  guud ee Qaran Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay jiraan caqabado hareeyay qaadista  canshuuraha kasoo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,taa oo uu ku sheegay in ay ku dhaceyso  shaqsiyaad.
Axmed Cali Daahir ayaa soo hadal qaaday hanaanka qaadista Canshuuraha iyo sida loo maareenayo,waxaana uu tilmaamay in isaga uu arkay lacago kaash ah oo ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad.
Wasaarada Maaliyada ayuu u jeediyay in ay wax ka qabato nidaamka lacagaha kaashaka ah ee casnshuur ahaan usoo xarooda iyo dadka si toos ah lacagtaa ay u gaareyso
Hadalkaas ayuu ka sheegay Munaasabad Maanta ka dhacay xarunta wasaarada Maaliyada oo uu ka qeyb galay Raisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar
Halkan ka Dhageyso Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir: