Maamulka degmada Buurhuube ee Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay dagaaladii u dambeeyay ee degmada xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay Fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buurdhuubo ayaa mudo kooban socday,waxana Maamulka ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo Xasan Muxumad Cali oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen mid ka mid ah Xarumaha Maamulka balse ay weerarkoodii fashiliyeen.
Waxa uu sheegay in dagaalkaas uusan geysan wax khasaaro ah,waxa uuna beeniyay warka soo baxay Al-Shabaab oo lagu sheegay in mudo kooban ay qabsadeen degmada Buurdhuubo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Buurdhuubo.