Gudoomiyaha Degmada Jala laqsi ee Gobolka Hiraan Max’ed C/dulle Fidoow oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in uu caafimaad qabo islamarkaana ay been abuur yihiin wararka sheegaya in shalay uu ku dhaawacmay weerar ay Al shabaab ku qadeen.
Waxa uu sheegay in weerarkaas uu jiro lakin uu hal Askari kaga geeriyooday halka laba kalana ay kaga dhaawacmeen lakin isaga uu ka bad baaday inkasta oo wararka qaar ay sheegayeen in dhaawac uu kasoo gaaray.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga.