Cabdi Faarax siciid Juxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib- u heshisinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan xukuumadda Soomaaliya ay bilaabo doonto howlo dib u heshiisiin ah.
Wasiirka waxa uu sheegay in qorshaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dhanka dib-u heshiisiinta ah uu yahay mid cad isla markaana ay jiraan meelo u qorsheysan oo ah Goobaha ugu muhiimsan.
Waxa uu sigaar ah u sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay wadahadal dhex dhexaadin ah u fureysa Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca oo siyaasad ahaan isidiidan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay dejin doonto xiisadaha ka jira Magaalada Cadaado isla markaana wadahadaladaas qeyb ka yihiin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiira Arrimaha Gudaha Soomaaliya.