Iyada oo Maanta la filayo in Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle kadib markii Xildhibaanada Maamulkaas ay xilkii ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa ka hadashay Xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka mid ah Xubnaha dowladda ka socda ee kor joogtada ka noqon doona doorashadaas ayaa sheegay in dowladda Sooamaliya ay dhex dhexad ka noqon doonto.
Waxa uu shegay in marnaba dowladda asyan qorshaheda aheyn in ay farageliso doorashadaas, isla markaana waxyaabihii ka soo baxa ay aqoonsan doonaan.
Sikastaba Shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka ku nool labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa ka dhursugaya dhankooda wixii ka soo baxa doorashadaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya