Duqa Muqdisho oo amar dul-dhigay guddoomiyaasha degmoyinka gobolka Banaadir

Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaana shirkan looga hadlay arrimo kala duwan o ay ka midyihiin amniga iyo nadaafadda gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) waxaa looga hadlay shirka Dardar galinta Aminiga Magaalada Nadafada iyo kordhinta dakhliga dalka oo dhamaantood qeyb ka ah horomarka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cara boo faahfaahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ayaa sheegay in aad looga dooday in laga wada shaqeeyo sidii xoolaha magaalada lagusoo daayo loo geyn lahaa xarunta baadi qabadka oo dhawaan dib loo howlgeliyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay si hufnaan leh ay u gutaan waajibaadkooda shaqo kana shaqeeyaan arrimaha hor tebinta leh ee uu ugu horeeyo amniga caasimadda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisto waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana maamulku uu sheegay in arrintaas aan oo dul qaadan doonin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media