Dhageyso:-Xilliga ay dhaceyso doorashada Kuraas ka banaan Golaha Shacabka oo la shaaciyey

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey waqtiga ugu wanaagsan ee la qaban doono kuraas ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya xilli shalay Dhuusamareeb lagu doortay mid ka mid ah kuraastii banaaneyd.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in doorashada laba kursi ee ka banaan Golaha Shacabka dhawaan ka dhici doonto Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa ay sheegtay in labadaas kursi mid ka mid ah Ergadii dooran laheyd iyo musharixiiba la dhameystiray balse kursiga kale Ergadii dooran laheyn loo baahan yahay in la soo dhameystiro si ugu dambeyn doorashada loo qabto,waxana Odayaasha Dhaqanka ay ugu baaqday inay soo dhameystiraan Ergadii wax dooran laheyd.

Shalay ayaa waxaa Dhuusamareeb lagu doortay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud,iyada oo kursiga uu iska casilay Walaalkiis Cabduqaadir Gaafoow,waxaana labada kursi ee Baydhabo lagu dooran doono baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen oo hadda ah Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Marxuum Khaliif Cabdullaahi oo geeriyooday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor