Galabta waxaa kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas kulankaas oo mudo Saddex jeer horay uga baaqday.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Axmed Yuusuf Ciyoow oo maanta ay xildhibaanada u doorteen Gudoomiyaha KMG,ka ah kadib markii Gudoomiyahoodii laga dhigay Xabsi guri.
Xildhibaan Garaad Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Xubnihii Maanta kulmay ayaa sheegay in kulankoodii ay xilka uga qaadeen Madaxweynahii Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
“Kulankeena waxa soo xaadirtay 55  xildhibaan waxaa kalsoonida kala laabtay 52 xildhibaan laba Xildhibaan weey ka amustay halna wuu diiday, madaxweynaha waxa uu xilka ku weyn karay 46 xildhibaan balse in ka badan ayaa la haley ayuu yiri Xildhibaankaâ€
Sidoo kale waxa uu sheegay in xilkaas uu si KMG,a ah uu u heyn doono Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Madaxweyne Xaaf uu horay uga dhigay Xabsi Guri.
Waxaa la weeydiiyay Su’aal aheyd in go’aanka ay qaateen uu yahay mid ay ku deg degeen ayaa waxa uu sheegay in aysan ku deg degin islamarkaana Madaxweyne Xaaf uu jebiyay Dastuurka Galmudug sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka iyo War qoraal ah oo ku saabsan qaabkii uu u dhacay kulanka xilka qaadista