Dhageyso:-Xildhibaano sheegay in laga been abuurtay

 

Xilli gelinkii dambe ee Maanta Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay guddoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ayaa hadda waxaa ka horyimid Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.

Tiro Xildhibaano ah oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in aysan waxba kala socon mooshinkaas,isla markaana laga been abuurtay qeybna ka aheyn saxiixa mooshinka.

Xildhibaan Guda Axmed Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Magaceeda laga been abuurtay,isla  markaana xildhibaano qaran dumis ah ay wadaan sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uusan mooshinkaas ku jirin lagana been abuurtay.

Dhageyso Codka Xildhibaanada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor