Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen war kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo ahaa in Muqtaar Roobow uu u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa ay sheegen Xildhibaanadan in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu yahay muwaadi Soomaaliyeed,isla markaana uu ka tanaasulay fikirkii hore ee ahaa kamid ahaan shaha Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa ay tilmaameen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed in mas’uuliyiin badan Rooboow hortiis ay ahaayeen Al-shabaab,ayna dooran karaan hadda xildhibaanada Koonfur Galbeed.
Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxa ay sheegeen in uu kamid musharixiin badan oo tartameysa Madaxweynenimada Koonfur Galbeed ,iyadoona dhawaan doorashada ay ka dhici doonto Magaalada Baydhabo.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Muqtaar Roobow in uusan u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed,iyadoo dowlada Soomaaliya Baydhabo shalay u dirtay Taliyaha Ciidanka Hay’ada Nabadsuggida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen,si uu u kula kulmo Muqtaar Roobow.
Hoos ka dhageyso Codka.