Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Golaha Shacabka ahna Xoghaya difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa  marka hore tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyoodeen  Muqtaar Axmed Saalax,kaasi oo lagu gubay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir iyo gabar shalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dhex dileen Jaamacad ay ka dhiganeysay Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Saalax loo gubay arrimo ku aadan heybsooc Guur,taasi aan la aqbali Karin,isla markaana sheegay in Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu ka rajeynayo in ay Sharci ka soo horjeeda heybsooca ka soo saari doonaan.
“Wax la aqbalo maaha hadii aan nahay Ummadda  Soomaaliyeed in heybsooc aan isku sameeyno, laba is caashaqay dartood in Qof Soomaaliya sidaas gardara ah lagu dilo ,Diinteena iyo dhaqankeena Soomaaliyeed iyo Sharciga u yaallo Dowladda ayaa ka soo horjeeda dhacdadaasiâ€ayuu yiri Xildhibaan Warfaa.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Baarlamaanka 10 -aad uu si deg deg ah Golaha Shacabka u horkeeno Sharciga heybsooca.
Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Warfaa.