Xalay Fiidkii ayaa Kooxo hubeysan oo watay Gaari nooca raaxada ah waxa ay rasaas ku fureen Bar Koontorool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Xamar Jadiid.
In kastoo weerarkaas oo ka dhcay Isgoyska Xamar Jadiid aan la ogeyn ayaa hadana waxaa Masuuliydiisa sheegtay Al-Shabaab iyaga oo sheegay in ay dileen Saddex Askari oo ku sugnaa goobtii ay weerareen.
Lama xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab ee dilka Askartaas balse Dalsan ayaa xiriir la sameysay Maamulka degmda si ay wx uga weeydiiso kamana jawaabin taleefoonada.