Xildhibaankaan oo ka tirsan baarlamaan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in uu labo ruux oo iyaguna Soomaali ah uu ku dilay deegaanka Jarati kadib markii ay ku murmeen lahaanshaha dhul-beereed ku yaalla deegaankaas.
Dhulkaan ayaa ka mid ah dhulal ay bixisay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar loona qeybiyay xubnaha baarlamaanka waxaana uu u badnaa dhul beereed iyo dhul kale oo deegaan ahaan loogu tala galay.
Maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ka war hayaan xogta la xiriirta kiiskaan isla markaana ay u gudbinayaan hay’adaha sharciga.
Xildhibaanka dilka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Bashiir Diiriye Cameey,Gudoomiyaha deegaanka Jarati Shaafi Diiriye ayaa qiijiyay dhacdadaan waxaana uu sheegay in kiiskaan loo gudbinayo maxkamaddamaxkamadda.
Halkaan Ka Dhageyso Codka