Muqdisho(Radio Dalsan):- Xili ay isa soo tarayaan cabashooyinka ka’imaanaya goobaha ay ka socdaan dowrashada xildhibaanada aqalka hoose ee ku aadan qaabka ay inta badan u dhacday doorashada ayaa hadana waxaa jira masuulyiin arinkaasi been abuur kutilmaamaya
shalay ayee aheed markii Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Muumin oo la soo xariiray idaacada Dalsan isla mar ahaantaana sharci daro ku til maamay doorshado maalin ka hor ka dhacday Baydhabo mid kamid ah uu ku soo baxay Xildhibaan Maxamed Nuuraani taa oo la sheegay in ay si musuq-maasuq ah ay ku dhacday
Xildhibaan Maxamed nuuraani Bakar oo dhankiisa la hadlay radio dalsan ayaa beeniyay warkaasi asagoona sheegay in si sharci ah lagu doortay eena been abuur tahay dhaliilaha loo soo gudbinayo
Eedeemaha kala duwan ee la xariira doorshada ayaa imaaneesa xili gudiga qilaafaadka ee doorshada ay sheegeen in ay gordhow bilaabayaan dhageysiga dacwadaha la xariira kurasta qaar ee lagu doortay goobaha ay ka socdaan doorashada.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Xildhibaanka
©Radio Dalsan