Dhageyso:-Xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay Maamulka D/Buur-dhuubo

Kadib kulan saacado badan oo ka dhacay Xarunta Maaliyadda Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa xal looga gaaray Khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta sare ee maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Mas’uuliyiinta Degmada Buurdhuubo Saraakiisha nabadasuguida iyo kuwa Ciidamada Xoogga dalka eek u sugan halkaasi,isla markaana waxaa si buuxda loo xaliyay Khilaaf maalmihii dambe ka dhex jiray Madaxda sare ee Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Buurdhuubo Xasan Muxumud Cali Xasan yare oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhexjiray maamulka Degmada,isagoo xusay in wixii haatan ka dambeyn si wadajir ah loo wada shaqeyn doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Xasan Yare in is bedel cusub lagu sameeyay maamulka Maaliyadda degmadaas,iyadoona xilalka loo kala wareejiyay Xoghayihii hore ee Maaliyada Buurdhuubo Cabdi Xasan Guuleed iyo Nuur Maxamed Sheekh Cumar.

Ugu dambeyntii Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbalada ayaa shaaciyay in degmada ay la tartami doonto degmooyinka kale ee ka jira Gobolka Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media