Dhageyso:-Wefdigii DFS oo faah faahin ka bixiyay kulankii ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawod ayaa faahfahin dheeraad ah ka bixiyay kulankii dalka Sucuudiga ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi ka socday dowladda Somaliya.

Wasiirka ayaa tlmaamay in wefdigooda iyo wefdiga kale ee uu hogaaminayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in ay wada degnyihiin hal qasri isla markaana dhamaantood ay u yimaadeen Sucuudiga gudashada acmaasha Xajka.

Axmed Ciise Cawod Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya ayaa wax laga weydiiyay guuxa siyaasadeed ee uu dhalaiyay kulankaas iyo sida markiiba bulshadu fasiraado kala duwan uga bixisay.

Isaga oo ka hadlayay arrintaas ayuu yiri madaxweynaha iyo wefdiga dowladdu waxa aan ku kulanay masaajid ku yaalla Makah halkaas oo aan isku marxabaynay naguna soo dhaweeyay madaxweynaha sidaas oo kalana dhowr mar ayaan ku ulanay deegaanada kala duwan ee lagu gudanayo acmaasha Xajka hase’ahaate waxa uu cadeeyay in kulankaas uusan la xiriirin wax Siyaasad ah.

Ugu dambayntii waxa uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawod in ay u muujiyeen madaxweynaha walaaltinimo iyo in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo isku faraxsan.

Halkaa Ka Dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media