Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo uu wehlinayey Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Daahir Aaadan Cilmi(Indhaqarshe) ayaa Maanta waxa ay hortageen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.
Masuuliintaan ayaa waxaa wax laga weeydiinayey dhibaatooyinka dilalka ah oo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya todobaadyadii la soo dhaafay u geysanayeen Dadka Shacabka ee ku nool Magalada Muqdisho.
Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxyaabihii ka soo baxay waxaa Warbaahinta u faah faahiyey Guddoomiyaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xuseen Carab Ciise,waxaana uu sheegay in ujeedada loogu yeeray mas’uuliyiintaan ay aheyd sidii wax looga weeydiiyo arrimaha amniga.
Waxa uu sheegay in ay siweyn iskula falanqeeyeen arrimaha amniga oo dhawaan ay aad walaac uga muujiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali(Amar dambe) ayaa u mahadceliyey guddiga difaaca Golaha Shacbaka,waxana uu sheegay in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga.
Guddiga difaaca Golaha Shacabka iyo Madaxda Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku balamay kulanka dhamaadkiisa in maalinta sabtida ah dib isugu soo laabtaan oo ay kulan yeeshaan si ay u sii amba qaadaan qodobadii kulankii Maanta ka soo baxay.
Hoos Ka Dhageyso Codadka oo dhameystiran.