(DHAGEEYSO):- Soomaaliland oo uga digtay Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta inay tagaan Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta maamulka soomaaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inaan loo dulqdaan doonin in siyaasiintu iyo suxufiyiintu iska tagaan muqdisho islamarkaan ay kusoo laabtaan magaalada Hargeysa iyagoo ka ololeynaya qaranimada soomaaliland sida uu yiri wasiir saxardiid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Wasiirka warfaafintu waxaa uu sheegay in umadda soomaaliland ay go’aansatay inay ka go’aan soomaaliya inteeda kale islamarakaana aan laga yeeli doonin cidna ku xadgudubka jiritaanka dowladnimo ee soomaaliland.

Wariye Cabdimaalik Coldoon oo arimaha bulshada ka shaqeeya ayaa hada ku xiran magaalada Hargeysa markii uu dhaawan ka laabtay magaalada Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Wasiir Cadaani.

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media