Dhageyso:-Wasiir Oomaar”Shaqaalaha Ajaanibta ee Xafiiska laga maamulo Hawada Soomaaliya waa la bedelayaa”

Iyada oo Isniintii shalay gebi ahaanba la soo xiray Xafiiskii Maamulka Hawada Soomaaliya ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya loona soo wareejiyey Magalada Muqdisho ayaa Xukuumadda Soomaliya waxa ay sheegtay in isbedel dhanka Shaqada ah lagu sameyn doono.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad,ayaa sheegay in Shaqaalaha Ajaanibta ah ee xilalka ka haya Xafiiska Maamulka Hawada iyo Shaqalahaba la bedelo doono,isla markaana ay la wareegayaan Shaqaale Soomaali ah.

““Soo wareejinta hawada waxaa daba socda Mashruucyo kale oo shaqaalaha lagu tababarayo, lagu abuurayo shaqaaleyn cusub lagala wareegayo Ajnabiga ka shaqeynaya oo lagu bedelaayo shaqaale Soomaaliyeed, waxay noo mareysaa meel wanaagsan, hada waxaan kusii shaqeyneynaa sharciyadii iyo hababkii hore iyadoo Shaqaalihii hore ay ka shaqeynayaan laakiin shaqaale cusub oo Soomaali ah ayaa qabsanaya meelaha ugu sareeyay Maamulka SCAMA’’

Sikastaba hadalka Wasiir ‘Oomaar’ ayaa daba socday Kadib markii Xukuumadda Soomaaliya horay u sheegtay in Shaqa uu qaban karo qof Soomaali ah aan la siin doonin qof Ajnab ah taasi oo u muuqato mid la dhaqan gelinayo wallow ay jiraan weli meelaha qaar oo ay ka howlgallaan Shaqaale ajnabi ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor