Akhriso:-Qodobada looga hadli doono Shirka Madasha Oslo & RW Kheyre oo ka qeyb galaya

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in dalka Norwey uu ka furmo shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha dibada dalkaas,waxaan shirkaas Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi la socda oo dalkaasi ku sugan.

Shirkaas oo socon doono mudo laba cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha horyaalla Wadamada Aduunka qaarkood.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kheyre oo shikaas ka qeyb galaya ayaa inta uu ku sugan yahay gudaha dalkaas  ayaa waxa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah  madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaas Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor