Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay warbixintii ugu dambeysay ee ka soo baxday Hay’adda ‘IMF’ ee International Monetary Fund.
Wasiir Beyle oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in warbixintan ay soo saartay IMF ay uga hadashay arrimo kala duwan,waxaana ka maid ahaa Amaan iyo Bogaadin oo ay ku tilmaameysay horumarka dhanka Maaliyada ay gaartay Soomaaliya.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalka Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool ugu baaqay in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan.
Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.