Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah saldhigyadda booliiska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Saldhigyada booliiska ee wasiirku xalay booqday ayaa kala ahaa Saldhigyada Kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar Jajab, waxa uuna soo indha indheeyay sida shaqadu u socoto, isagoo warbixin o ka dhageystay taliyayaasha saldhigyadaasi.
Ugu dambeen Wasiirka ayaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ka faa’iideestaan cafiskii madaxweynaha islamarkaana hadii ay isasoo dhiibaan loo sameyn doono Shaqa abuur iyo waxbrasho.
Hoos Ka Dhageyso Codka