Dhageyso:-Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo xiran iyo banaanbaxyo ka socda

Qaar ka mid ah Gaadiidleyda isaga kala goosha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa Waxaa dibad bax Cabasha ah ay ka dhigeen inta u dhaxeysa Afgooye iyo Ceelasha Biyaha iyagoo gaadiidka ku xiray wadadaas waxa ay u diidayeen gaadiidka in ay isticmalaan.

Arintaan ayaa waxa ay timid kaddib markii la soo dhigay isbaarooyin cusub oo lacago looga qaadayo gaadiidka sida ay sheegeen.

Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka oo la hadlay raadiyaha Dalsan ayaa sheegay in qaar ka mid ah darawalada ka xeysa gaadiidka ay halkaas banaan bax cabasho ah ka dhigeen isagoo sheegay inay dhibaato ku qabaan isbaarooyinka la soo dhigay halkaas oo lacagaha looga qaado aysan xamili Karin.

Waxa ayna intaas ku dareen hadalkooda in Ciidamada isbaarada soo dhigtay halkaas ay ka mid yihiin  ciidanka Milateriga waxa ayna  xirnaanshaha wadada ay saameyn ku yeelatay gaadiidkii qudaarta ka keena gobalka Shabeelada Hoose.

Taliska Milateriga Ciidanka xoogga dalka ayaa horay amar ka soo saaray isbaarooyinka, waxaana jiray askar loo xiray isbaarooyin ay dhigteen.

Sikastaba Dalsan ayaa la xiriirtay Maamulka degmada Afgooye si ay wax uga weydiiso cabashada Darawalada Gaadiidka balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media