Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku socotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.
Sida warqadda ay ku qornayd, Gorod, waxa uu ku sheegay inay uga imanaysay magaalada Boosaaso.
Lacagtaasi markii dambe waxa la wareegay dawladdda Soomaaliya iyadoo saraakiishu ay sheegeen in safiirka Imaaraadku diiday in la baaro boorsooyinka ay ku jirtay lacagta.
Taliye Gorod ayaa waxa uu sheegay in Imaaraadka ay marwalba u imaan jirtay lacag,laakin tan hadda u timid ay tahay mid cadadeedu ay aad u badan tahay sababta ay dowladda ula wareegtayna ay tahay in baaritaan lagu sameeyo halkii ay ku socotay.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha imaaaradku ay kolkii hore diideen in ay cadeeyaan cadaka lacagtaas taas oo sababtay in Ciidamada Amnigu ay faraha la galaan sidaasna ay dowladdu kula wareegto.
Ugu dambeyn waxa uu Janaraalka tilmaamay in haatan baaris ay ku socoto lacagta la qabtay ee Sagaalka milyan iyo barka ah, lagana war sugo waxa ka soo baxa baaritaanada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya.