Dhageyso:-Taliska Ciidanka xoogga dalka oo soo bandhigay Rag dilay Askar ka tirsanaa Ciidamada

13kii Bishaan ayaa xilli habeen ah waxaa askari ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu diley deegaanka Gaaska Dhaanka Roone oo Ku yaalla Duleedka Deegaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud,ayaa waxaa la soo bandigay raggii ka dambeeyey dilkaas.

Xerada Guutada 13 Ee Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 21aad ay ku leeyihiin Xerada Gaaska Dhaanka Roone  ayaa Maanta lagu soo bandhigay laba ka mid ahaa Askarta dowladda,kuwaas oo la sheegay in ay dilkaasi ka dambeeyeen.

Taliyaha Guutada 13 Ee Qeybta 21 Ee Gobolka Galgaduud G/shaanle Dhexe Nuur Xirsi Wardheere ayaa sheegay in raggaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey Magalada gaalkacyo,isla markaana cadaalada lahorgeyn doono.

Taliyaha ayaa eedeysanyaasha Magacyadooda ku la sheegay  Cabdirisaaq Tahliil Dhalac iyo Burhaan Daahir Maxamed Cali.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha Guutada 13 Ee Qeybta 21 Ee Gobolka Galgaduud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor