(Warbixin) Waxka baro shakhsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo xilalka u magacaabay?

S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarsho): Wuxuu aqoon iyo tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Maraykanka, iyo midowgii Soofiyeeti dabayaaqadii sannadihii lixdameeyada.

Wuxuu kaloo tacliin iyo tababarro guud iyo kuwo gaar ah ku qaatay dalka gudihiisa.

Wuxuu ka soo shaqeeyey qaybaha milateriga Soomaaliya, wuxuuna darajo ahaan ka gaaray ilaa iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, oo markan ay tahay markii labaad ee loo magacaabayo.

Wuxuu haystaa billad dahab ah oo uu guddoonsiiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, taasoo lagu siiyey doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage: Waa ninka ugu dhallinta yar saraakiisha ragga ah ee uu madaxweynuhu magacaabay. Degdeg ayuu ku dallacay.

Wuxuu ka tirsanaa ururka 60aad ee madaxtooyada, ama loo yaqaanno koofiyad guduudda.

Darajadiisa waxay ahayd gaashaanle markii uu xilka kala wareegayey taliyihii ururkaas uga horreeyey Axmed Maxamed cali (Af-caddeey).

In yar ka dib waxaa loo dallacsiiyey G/dhexe, darajadaas ayuuna ku ahaa taliyaha ciidanka madaxtooyada.

Magacaabiddan ayuu madaxweynaha laba goor mar qura ku dallacsiiyey Odawaa oo ah nin uu aad ugu kalsoon yahay.

Marka la fiiriyo khibradda iyo aqoonta laga rabo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, waa jago u baahan aqoon iyo khibrad aad u ballaaran.

S/guuto Zakiya Xuseen Axmed: Waa gabadhii ugu horraysay ee Jeneraal ka noqota booliska Soomaaliya. Dhowr sano gudahood ayey darajada ugu sarraysa ku gaartay.

Waxay muddo ku noolayd qurbaha, gaar ahaan UK iyo Sweden, waxayna dalka ku soo noqotay 2014, markaasoo ay la shaqaynaysay hay’adda cilmi barista ee Heritage iyo jaamacadda Soomaaliya.

Waxay shahaadada darajada 2aad ka haysataa xiriirka caalamiga, waxayna kaloo baratay diblomaasiyadda islaamka.

Dhowr xil oo xagga maamulka la xiriira ayey ka soo qabatay ciidanka booliska Soomaaliya, waxayna sidoo ka shaqaysay dhanka xiriirka dadwewynaha.

S/guuto Siciid Axmed Kadiye: Wuxuu tacliintiisa badankeed ku soo qaatay dalal uu talyaanigu ka mid yahay sannadihii 70-meeyadii, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha booliska ee khibradda fog leh.

Dhawaanahan wuxuu ahaa taliyaha hogaanka dambi baarista CID, laakin afartameeyo sano ayuu ku dhex jiray hoggaannada iyo qaybaha booliska Soomaaliya ee caasimadda iyo gobollada, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay.

Fahad Yaasiin: Waa ninka ugu saamaynta badan xubnaha uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, waana shakhsi la aaminsan yahay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha.

Fahad wuxuu markiisii hore ahaa suxufi u soo shaqeeyey warbaahinno ay Al Jazeera ka mid tahay, wuxuuse siyaasadda si muuqata u soo galay xilligii madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka hayey.

Markii ugu horraysay ee xil loo magacaabo, Xasan Sheekh ayaa u magacaabay jago wasaaradeed, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu qaato.

Wuxuu noqday agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya, bishii Maajo 2017.

Wuxuu beddelay Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadda ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Aamina Siciid Cali: Waa aqoonyahanad dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu jirtay siyaasadda Soomaaliya.

Waxay xubin ka ahayd baarlamaankii jiray xilligii dawladdii Sheekh Shariif ee 2009.

Waxay waxbarashada ka gaartay ilaa shahaadada darajada labaad (Masters) ee cilmiga sayniska.

Inta aysan noqon agaasimaha guud ee madaxtooyada waxay soo ahayd ku xigeenka agaasimaha guud ee madaxtooyada.

BBCSOMALIA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor