Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska Gen Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu ka hadlay Dilkii shalay gelinkii dambe Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.
Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Ciidanka Booliska gacanta ay ku soo dhigeen Laba eedeysane iyo gaari ay wateen,kuwaasi oo tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, isla markaana Ciidanka Booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaano.
Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu bulshada Soomaaliyeed u sheegay in kiiskaas aan laga hari doonin laguna raad joogo kuwo kale ,isla markaana eedeysanayaasha loo soo qabtay dilkaasi la horgeeyn doono Cadaaladda.
Ugu dambeyn Col. Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu tacsi u diray Ummada Soomaaliyeed Qoyskii iyo Qaraabadii, uu ka baxay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo shalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliska