Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay xaalada amni ee Magalada Muqdisho iyo dilalkii u dambeeyey ee ka dhacay Magalada.
Shir Jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in waxkasta ama dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay muqdisho loo haayo tiro dad ah,isla markaana Ciidanka booliska Soomaaliya ay siiwadaan howlgallada ka dhanka ah dadka lidiga ku ah amniga.
Warbaahinta ayuu sheegay inay qeyb ka tahay dadka looga baahan yahay inay amniga ka Shaqeeyaan,waxaana uu sheegay inay balan qaadayaan in dad badan loo maxkamadeeyo dilalka ka dhaca Magalada Muqdisho.
Isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in dilkii Jaamacadda Soomaaliya(Uniso) loogu dhex geystay Marxuumada Aamino Xuseen Xasan ay dad u hayaan,isla markaana Maxkamad lahor-geyn doono.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Taliyaha.