Shalay ayaa markii ugu horreysay Magalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe Ganacsatada wax ay bilaabeen in ay diidaan isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga waxana arrintaasi ku baxay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo taliska Booliska.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la shiray Ganacsatada si ay ugu qanciyaan qaadashada lacagta Shillinka soomaaliga oo ay ka walaacsan yihiin dadka danta yar ee ku nool Magalada Jowhar.
Taliyaha Saldhigga Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in haatan si caadi ah looga isticmaalayo lacagta Shillinka soomaaliga,isla markaana ay Ganacsatada ku amreen in ay qaataan lacagta Shilinka.
Waxa uu ugu hanjabay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Ganacsadihii diida isticmaalka lacagta.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Jowhar.