Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya C/llaahi Xasan Maxamed ayaa ka hadlay rasaas xalay laga maqlay magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.
Taliyaha oo la hadlay laanta Af-Somaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xaaladda magaalada Dhuusa Mareeb isla markaana ay xaladu Caadi tahay haatan,isaga oo intaas kusii daray in wixii dhacay aysan aheyn wax sidaas usii weyn sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale C/llaahi Xaaan Maxamed ayaa shaaca ka qaaday amniga magaalada Dhuusa-Mareeb in ay masuul ka yihiin ciidamada amnaanka ee jooga magaalada nasuuuliyaddaasna ay ka soo dhalaalayaan.
Fiidnimadii xalay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda la sheegay in ay rasaas ku fureen xarrun uu ku sugnaa madaxa xukuumadda Galmudug hase’ahaate dowladda iyo madaxa xukuumadda Galmudug arrintaas si cad ugana hadal.
Halkaan Ka Dhageyso Codka