Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo Maanta Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Xalane ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha AMSIOM ka bixitaanka Soomaaliya, xaalada amni ee dalka iyo doorka AMISOM.
“Go’aanka waxaa qaatay Golaha QM, balse waxaa waajib nagu ah inaan jarno in ka badan 1,000 Askar dhamaadka sannadkan. Sidaa darteed, micnaheeda waxaa weeye inaan haysano Tiro fiican oo meel kasta u dhaqaaqi kara, Kuwaasi oo aan oggolaan doonin in la soo galo meelaha laga baxo , Waxaan doonaynaa inaan Dib-u-habayn ku samayno Ciiddankeenna si ay awood ugu yeeshaan inay ku hawlgalaan si wacanâ€
Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ayuu sidoo kale ka hadlay howlgalka uu ku dhawaaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo waxa uuna sheegay in dhankooda ay howlgalkaas ka qeyb qaadan doonaan.
“Madaxweynaha waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga guuleysto Alshabaab. Madaxweynaha waxa inoo weydiiyey xilliga ay Ciiddanka AMISOM baxayaan, Madaxweynaha waxaa si cad uga go’an in laga guuleysto Alshabaab, Madaxasweynaha waxa uu samaynayaa waxa kasta oo uu awood sidii ay Ciiddankiisa ula dagaalamaan Alshabaab, Waxa uu qaaday Waddo dheer, si uu taageero uga helo Hoggaamiyayaasha Gobalkaâ€
Mid ka mid ah Wariyaasha ka qeyb galayay shirka jaraa’id ayaa weeydiiyay Su’aashan.
Ciiddanka Cusub ee Ethiopia, Sidee uga hawl-galayaan soo-gelitaanka Somalia?, Side ayey ku hawl-galayaan, Ma waxay hoos tagayaan Hawlgalka AMISOM, mise si gaar ah ayey u hoos tagayaan taliskiina?
“Marka ugu horreyso waxaan doonayaa ma Anagaa la wadaagtaan Ciiddanka Cusub aad ka hadlaysaan? Halkee ku aragteen iyaga ? Halkee ayaad ka hesheeen? Meeq weeye tiradooda ? Imisaa Ciiddan cusub ah?,Waxaan arrintan ka hadlay maalmo ka hor oo aan War Saxafaadeed ka soo saaray, waxaana sheegay inaad goor dhow arki doontaan Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka AMISOM ayuu yiri Ambassador Francisco Caetano Jose Madeiraâ€
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan iyo Wariye Saleemaan Xaji Axmed Raage.