Iyada oo uu weli u taagan yahay,isla markaana uu sii xoogeysanayo khialafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Golaha Shacabka,ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho.
Xiisadaan ayaa dhawan soo ifbaxday kadib markii tiro xildhibaano ah ay mooshin ka gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,mooshinkas oo lagu eedeynayo in uu wado Wasiirka Koowaad ee dalka Xasan Cali Kheyre.
Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegen in ay aa duga xun yihiin isqabqabsiga ka dhex jira Golaha Shacabka,isla markaana ay dalbanayaan in xal laga agaro.
Shacabka qaarkood ayaa aaminsan in khilaafkaan ay ku lug leeyihiin Dowladdo shisheeye,waxa ayna ugu baaqeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xaliyo ama uu dejiyo xiisada Siyaasadeed ee ka jirta dalka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho.