Dhageyso:-Puntland oo dacwad ku soo oogtay 18 Nin oo lagu eedeeyay burcad Baddeednimo

Xeer ilaalinta Maamulka Puntland ayaa Maanta dacwad ku soo oogtay rag ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcad Baddeeda Soamalida kuwaas oo Maraakiib doonayay in ay ka fduubtaan xeebaha deegaanka Caluula ee Gobolka Bari.

Ragaan dacwada lagu oogay ayaa waxay gaarayaan ilaa iyo 18 ruux kuwas oo aan weli gacantooda soo gelin Ciidamada puntland lana amray in ay soo qabtaan.

Xeer ilaaliyaha ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa ciidamada qalabka sida Puntland ku amray inay soo qabtaan eedeesanayaasha si maxkamada loo horkeeno.

Xeebaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay Kooxaha Burcad Baddeeda Soamalida kuwaas oo Maraakiib dhowr mar afduubtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer Ilaaliyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media