Dhageyso:-Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ka duwanaan doono sidii hore

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xubnaha Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo todobadkiiba mar ay uga hadlaan arimo xasaasi ah.

Kulanka Khamiislaha ah ee Maanta ayaa la filayaa in la horgeeyo Golaha Wasiirada Ajando ku aadan Sharciga la dagaalanka Musu maasuqa kaas oo shalay Wasaarada Cadaalada ay ku wareejisay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Warbaahinta u sheegay in Maanta Golaha wasiirada la horgeyn doono Sharcigaas si ay goluhu u ansixyaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in sidoo kale Wasaarada Cadaalada ay ku wareejisay Sharcigii la dagaalanka musuq maasuqa oo horay uga qornaa Af Talyaani balse la turjumay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media