Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay rag ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.
Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa xaqiijiyey in la dilay dhamaan ragii weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.
Saraakiisha ayaa sheegay in dadkii weerarka soo qaaday ay ahaayeen shan nin, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, kadib saacado badan oo rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Gaashaan ee Soomaaliya.