Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii Gaari nooca xamuulka qaado ah uu ku dhacay Wiil Dhalinyaro ah oo watay Mooto kadibna uu Madaxa ka dardaray,sidaasina uu Wiilkii ku geeroyooday.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee Maamulka degmada Shibis ee Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Maxamuud ayaa Dalsan u sheegay in Shilka uu ka dhacay agagaarka Isgoyska maana-Booliyo ee degmada shibis,isla markaana Darawalkii waday Gaaria Xamuulka qaada ay Gacanta ku hayaan.
Waxa uu sheegay in Wiilkii Mootada watay uu durba Goobta ku geriyooday,isla markaana loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye ku xigeenka degmada Shibis.