Dhageyso:-Shariif Xasan”Shacabka Koonfur Galbeed ka difaacdaan Federaaliisim-ka”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh ayaa eedeyn u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya,isaga oo sheegay inaysan raali ka aheyn in dalkaan uu ka Shaqeeyo nidaamka federaalisim-ka.

Isaga oo ku sugan Magalada Baydhabo ayuu ugu baaqay Shacabka Maamulka Koonfur Galbeed inay difaacdaan federaaliisim-ka oo la doonayo in la burburiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa Shaki naga galay in dowladda Federaalka Soomaaliya dhab ka aheyn federaaliisim-ka marka reer Koonfur Galbeed waxaan Cod dheer ugu sheegayaa in Siyaasiyiinta iyo Wiilasha koonfur Galbeed 50-jeer ay na weydiinayaan balse waxay u muuqataa in dibin daabyo lagu wado oo la doonayo in dhexda laga bixiyo,balse waa inaad difaacataan.

Shariif Xasan Sheekh Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay Shirka Kismaayo,balse aan halkaas ka sheegin dhaliil weyn oo uu u qabo DFS Balse markii uu tegay Magalada Baydhabo uu ku eedeeyey inay diidan tahay nidaamka Federaaliisim-ka.

Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor