Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furo Kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Munaasabad lagu furayo ayaa Maanta ka dhaceysa Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye,iyada oo Madaxweynaha uu munaasabada ka jeedin doono Khudbad dheer oo uu uga hadli doono arrimo dhowr ah.

Munaasabada waxaa sidoo kale Goobjoog ka noqon doono Guddoomiyeyaasha labada Aqal,inta badan Xildhibaanada,Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheek Maxamuud kana mid ah baarlamaanka,xubno ka socda Beesha Caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Furitaanka Munaasabada kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka ayaa haatan waxaa laga dareemayaa Magalada Muqdisho,waxaana aad loo adkeeyey Amniga Wadooyinka gala iyo kuwa ka soo baxa dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa fasax ku jiray labadii bilood ee la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in kal-fadhigii Saddexaad aysan wax Shaqo ah qaban,balse ay haatan horyaallaan ajandooyin dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media