Dhageyso:- Shacabka oo loogu baaqay in ay u dulqaataan howlgalada ka socda Muqdisho

Wasiirka amniga xukuumadda fedraalka Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cusmaan Yariisoow iyo gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llahi Tuulax ayaa xalay kormeeray xaafado ka tirsan degmooyinka qaar ee Muqdisho oo ciidamada amnigu ay baaritaano ka wadeen.

Degmooyinka Dayniile iyo Warta-nabada oo ka mid ahaa degmooyinkii ay kormeereen isala markaana ay ka socdeen howlgalo lagu xaqiijinayay amniga ayay ku dhiira geliyeen ciidamada iyaga oo baaq u diray shacabka.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan howlgalada lagu sugayo amaanka Muqdisho waxaana uu uga mahadceliyay dadka degandemooyinka gobolka sida ay ugu dul-qaadanayaan baaritaanada ay wadaan ciidamada.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media