Howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinyo dhanka amaanka ayaa ka socda qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanada leego,yaaq-Bari weeyne,Walaweyn ilaa iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalladaas ayaa waxa wada Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxana aad u  soo dhaweeyay Bulshada ku nool gobolka Shabeellaha hoose in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa inta u dhaxeeysa tabeelaha Madax-Maroodi iyo Walaweyn waxa ay ku leexsadeen Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah,iyaga oo ka qaatay lacago iyo Agab kale oo ay wateen dadkaas.
Wariyaheena Gobolka Shabeellaha hoose inooga soo Warama Maxamed Cismaan Ma’da ayaa Warbixintaan ka soo direay Degmada fgooye.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta iyo Wariye Ma’da