Shirkadda Diyaaradaha Itoobiyan Airline ayaa la qorsheynayay in todobaadkaan ay duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Adis Ababa inay bilaawdo,hayeeshee duulimaadkaas ay dib u dhac uu ku yimid.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) ayaa sheegay in markii hore ay Shirkadda Itoobiyan Airline codsatay inay dalka timaado Saddex jeer,iyada oo fiirineysa hadba dadka ay heysato.
Waxa u sheegay Wasiirka in Shirkadda ay hadana bedeshay jadwalkeeda,isla markaana ya dalbatay mudo 7 Cisho ah markii ay ogaatay inay heysato rakaab farabadan oo ay qaadi karto.
Waxa uu u sababeeyay sababta keentay in duulimaadkii la filayay in ay Muqdisho iyo Adis Ababa ka bilaawdo ay tahay laba sababood oo kala ah in Ninkii Ajnabiga ahaa ee laga shakiyay qalab uu watay iyo in shiraddu ay dooneyso inay kordhaan rakaabkeeda si ay hal mar u wada qaado sida uu hadalka u dhigay.
2-di Bishii Nevember Sanadkii tegay ee 2018 ayaa qorshuhu ahaa in Shirkadda Diyaaradaha Itoobiyan Airline ay duulimaad Muqdisho iyo Adis Aababa ah inay bilaawdo hayeeshee dib u dhac ku yimid,balse markale sanadkaan la qorsheeyay welina aysan bilaabin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya.