Dhageyso:-Qodobadii ay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Somaaliya iyo Mareykanka

Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) Madaxweynaha dowladda federaalka Somaaliya ayaa Magaalada Riyad ee dalka sucuudiga waxa uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump,oo Sucuudiga uga qeybgalay shirkii Wadamada Jaamacadda Carabta iyo kan Mareykanka ee shalay halkasi lagu qabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa.

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in 100% ay Dowladda Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Cabdinuur oo ah Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha oo la hadlay Idaacadda Voa,da ayaa faah faahin ka bixinaya kulanka labada Madaxweyne ku dhex maray Magaalada Riyad ee dalka sucuudiga.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media